Sheeko Soomaali

Kani waa maqaal ku saabsan "Sheeko baraleyda Soomaalida".

Sheeko Soomaali Sidoo kale loo yaqaano Sheeko Xariiro waa nooc ka mid ah sheekooyinka khiyaaliga, xaqiiqada ama dhacdooyinka laga sameeyay si looga helo madadaalo, Waxbarasho, waayoaragnimo iyo aqoon korodhsi.

Sheekooyinka Soomaalida Dhaqanka Soomaaliyeed waa dhaqan hodan ku ah sheeko xariirta ay sameeyaan af-shaxanno ku xeeldheer mu’allifnimadda dhinaceeda tiraabta. Qayb Libaax iyo sheekadii Habar Dugaag ee uu abwaankii garaaddo goyska ahaa, waa Xuseen-Dhiqle ee, billadda gabayga ku hantiyey, Suul Baruur, Juuq Dhagayste, Dhig Dhexe Jabiye, Dhag Dheer, Araweelo iyo Oday Biiqe, in yar uun aan xusnee, ayaa ka mid ah sheeko xariirta caanka ah. Waxaa kale oo uu dhaqankeenu la ciirayaa sheekooyin xaqiiqi ah oo jiilba jiil usoo gudbiyey, sheekooyinkaa oo aad u xikmad badan. Middan aan maanta kugu soori doono waxay ka mid tahay noocaa dambe.


© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search